Duration 2:3

Waxtarka iyo faaidooyinka ay Xabad sowdadu leedahay

43 448 watched
0
109
Published 19 Sep 2016

Xabad sowdada oo dadkeena badhkood ay aad u isticmaalaan ayaa sido kale waxa ay caan ka tahay isticmaalkeedu dalalka Carabta. Xabad sowdada ayaa ummadaha Carabtu ogaadeen kumanaan kun oo sano ka hor iyada daraasado dhawaan la sameeyay ay tilmaamayaan in ay leedahaya faa’idooyin gaar ah oo xaga caafimaadka ah. Xabaad sowdada oo iyadu ku abtirsata qoyska midhaha loo yaqaano ”Anise” ka ayaa waxa ay ka baxdaa deegaanada ku teedsan badda Medittrean ka, waxa kale oo loo yaqaanaa xabad sowdada ”khamuunta madow”. Daraasadaha badhkood ayaa waxa ay tilmaameen in xabad sowdadu ay leedahay faa’idooyin suurta gal ah oo ay kamid yihiin. Hoos u dhigida laxawga ama xanuunka,iyada oo la isticmaalayo xabad sodada,waxana loo isticmaalaa saliideeda xabasuuda dhayida dhaawacyada. Ka hortaga Cancer sida ay sheegeen daraasado cilmiya oo cusub oo dhawaan lasoo saaray kuwaasoo sheegay in ay aad uuga hortagto nuucyada Cancer ka ee uu kamid yahay kan midhiqiraha ku dhaca,taasoo xabad sowdada ay joojiso koboca unugyada Cancer ka iyo fiditaankiisa jidhka. xabad sawdadu Waxay hoos u dhigtaa cudurka macaanka gaar ahaan nooca labaad. Waxa sido kale xabad sowdadu ay joojisaa koboca nuucyo kale oo Cancer ah sida ay cadeeyeen tijaabooyinka badhkood oo ay ku samaysay culumo’’shaybaadh lagu daweeyo Cancer ka hab noola ah oo kuyaala koonfurta California ee Maraykanka(South California). Xabab sowdadu waxay la dagaalantaa xanuuno ay ka mid yihiin, neefta, dhiig karka, kelyo xanuunka iyo qaar kale oo badan. Daraasadan ayaa ku talisay in la isticmaalo xooga xabad sowdad ah iyada oo qofku uu shiidayo ama iyada oo xabuub ah ku darsanayo cuntada ama salaadka ,iyada oo ay dhici karto tan la shiiday ama ridqay in uu qofku ku darsan karo biyaha sidaana ku cabo. Bulshadeena ayaa si kala duwan u isticmaasha xabad sowdada iyada oo badhkood ay saliida xabasuuda ku darsadaan shaaha marka durigu hayo halka badhka kalina ay u isticmaalaan inay ku daraan cuntada sida cambaarburka maal maha ciida la sameeyo ee dadku ay aadka u jecel yihiin cunstiisa maalmaha ciida.

Category

Show more

Comments - 11